FBI: iphone-ka Bernardo in aan furnaa laga yaabaa

Lahaanshaha sawirka AFP

Hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay in ay macquul tahay in ay helaan hanaan ay ku furi karaan taleefan kii iphone-ka ahaa ee ay lahaayeen dadkii gaystay weerarkii Bernardino, iyagoo aan wax caawimaad ah ka helin shirkadda Apple.

Maxkamad dhagaysan lahayd dacwadda Apple oo dhici lahayd talaadada ayaa dib loo dhigay, waxaa sidaas codsaday waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka, sidaasna waxaa xaqiijisay Apple.

Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa amartay in Apple gacan ka gaysato in la furo taleefankii uu isticmaalayay Rizwan Farook oo ahaa ninkii hubaysnaa ee weerarka ka gaystay San Bernardino.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rizwaan Farook iyo xaaskiisa Tashfeen Mali

Laakiin Apple ayaa arrintaas ka dhago adaygay, waxayna sheegeen in ay halis ku tahay arrintaas.

Rizwan Farook iyo xaaskiisa ayaa 14 ruux ku dilay San Bernardino, California, bishii December ee sanadkii hore, kahor inta aan toogasho lagu dilin.