Dad loo xirxiray weerar bishii hore ka dhacay Ivory Coast

Masuuliyiinta dalka Ivory Coast, ayaa sheegay in ay xireen 15 qof oo lala xiriirinayo weerarro ay Islaamiyiin ku qaadeen hoteel ku yaal xeebta Bassam, horaantii bishan.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale soo bandhigay sawir nin la yiraahdo Kounta Dallah, oo la rumeysan yahay in uu horkacayay weerarkaasi.

Al-Qaaciddada galbeedka Afrika, ayaa sheegtay in ay qaadeen weerarkaasi oo ay ku dhinteen 19 qof, halka 33 kale ay kun dhaawacmeen.

Kooxda ayaa sidoo kale Isniintii weerartay hoteel ku yaal caasimadda Mali ee Bamako, kaas oo ay ku suganaayeen tababarayaal Militari oo ka tirsan hawlgalka Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa dalka Mali geeyay boqolaal askari si ay u tababaraan ciidamada dalkaasi.