Al-Qacidada Yemen oo la duqeeyey

Waaxda gaashaan-dhigga mareykanka ayaa sheegaysa in ciidamada milatariga ee dalkaasi ay ka dambeeyeen duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday xero ay ku tababartaan Al-Qaaciddada Yemen, halkaasi oo ay ku dhinteen tiro badan oo mintidiin ah.

Kal hore, saraakiisha sucuudiga ayaa sheegay in diyaaradaha isbahaysigooda ay ku lug lahaayeen duqeyntaasi oo ka dhacday meel u dhow magaalada Mukalla.

Duqaymo ayaa waxaa lagu dilay isla markaana lagu dhaawacay tiro maleeshiya ah oo ku sugnaa koonfur bari dalkaasi Yemen.

Saraakiisha dowladda dalkaasi ayaa sheegay in la duqeeyay xero ay ku tababartaan kooxda Al-Qacida oo ku taal meel u dhow magaalada Mukalla.

Wax yar uun kaddib markii ay duqeynta dhacday, ayaa waxaa la arakayay dhawr baabuur oo dadka ay waxyeelada ka soo gaareen weerarkaasi ula cararaya cusbital halkaasi ku yaala.

Duqaymaha dhanka cirka ah ee ka dhanka ah fallaagada Xutiyiinta ayaa soo jiitay dhaliilo ka yimid Qaramada Midoobay, taa oo lagu sheegay in ay masuul ka ahaayeen qasaaraha soo gaaray shacabka.