Ongwen oo wajahaya 70 eedeymood

Maxkamadda caalamiga ee dambiyada ayaa xaqiijisay 70 eedeymood oo ka dhan ah Dominic Ongwen oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda fallaagada LRA.

Eedeymahani oo ah dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani'aadanimada waxaa ku jira dil, kufsi, addoonsi xagga galmada ah, iyo carruur la askareeyey.

Dominic Ongwen ayaa noqonaya xubintii ugu horraysay ee ka tirsan LRA ee dacwaddiisa lagu qaado maxkamadda ICC.

Ongwen wuxuu isaga qudhiisa ka mid ahaa ahaa carruur la askareeyey ka hor intii uusan ka mid noqon saraakiisha ugu sarraysa LRA.

Kooxda LRA ayaa markii hore ahayd koox fallaago ah oo ka dagaalanta dalka Uganada, basle hadda inta badan haatan waxa ay ka hawlgashaa dalalka Uganda jaarka la ah.

Waxa ayna kooxdani ku caan baxday afduubka carruurta iyo in ay dadka ka jaraan dibnaha, sanka iyo dhagaha.