Poland oo sheegtay in aysan ogolaanayn muhaajiriinta

Dowladda garabka midig ee Poland ayaa sheegeysa in aysan aqbali doonin muhaajiriinta dib u dejinta looga sameynayay waddamada reer Yurub sababo la xiriira weerarkii Talaadadii ka dhacay magaalada Brussels.

Poland ayaa ogalaatay in ay ka qayb qaadato barnaamijka midowga Yurub ee dib u dejinta loogu sameynayo muhaajiriinta ka soo cararay colaadda, hase yeeshee ra'iisalwasaare Beata Szydło, ayaa sheegtay in dowladdeeda ay tahay haatan in ay ilaaliso ammaanka shacabkeeda.

Beata Szydło ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi ay ka mid yihiin shakhsiyaad argagixiso ah.

Muhaajiriinta ayaa badankood waxa ay ka yimaadeen goobaha ay colaadda ka jirta ee bariga dhexe, waxaana intooda badan ay ka soo carareen kooxda khilaafada Islaamka.

Dowladda Poland ayaa mar walba ka caga jiideysay in ay ka qeybqaadato barnaamijka dib u dejinta muhaajiriinta.

Dowladda Poland ayaa mar kastaa waxa ay ka caga jiideysay in ay ka qayb qaadato barnaamijka Yurub ee dib u dejinta loogu sameynayo muhaajiriinta.