Trump iyo Hillary oo ku guuleystay gobolka Arizona

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Trump ayaa u muuqda in uu ku soo baxaya musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga.

Natiijada hordhaca ah ee doorashadii ka dhacday gobolka Arizona ayaa waxaa ku soo baxay Hillary Clinton oo u tartameysay musharaxnimada xisbiga dimuquraadiga iyo Donald Trump oo u tartameysay musharaxnimada xisbiga jamhuuriga.

Doorashada ayaa ka dhaceysay saddexda gobol ee ku yaala galbeedka mareykanka ee kala ah Arizona, Utaha iyo Idaho.

Tirada dadka ka qayb qaaday codbixinta ayaa aad u badnayd, waxaana meelaha qaar dadka doonayay in ay codkooda dhiibtaan waxa ay ku khasbanaadeen in muddo labo saacadood si ay codkooda u dhiibtaan.

Goobaha codbixinta ee gobolka Idaho ee xisbiga dimuquraadiga ayaa waxaa meelaha qaar la sameeyay goobo cusub si kummanaanka qof ee doonaya in ay codkooda dhiibtaan ay u helaan fursad ay codkooda ku dhiibtaan.