Xooggaga dowladda Suuriya oo qabsaday meel u dhow Palmyra

Lahaanshaha sawirka Getty

Warbaahinta dowladda Suuriya iyo koox dusha kala socota arrimaha waddankaasi ayaa ku warramaya in xoogag taabacsan xukuumadda ay gaareen duleedka magaalada Tadamir oo ay gacanta ku hayaan kooxda Khilaafada Islaamiga.

Wakaaladda wararka ee dowladda ayaa sheegtay in ciidanka dowladda iyo miliishiyada ay gacansaarka leeyihiin ay la wareegeen gacan ku haynta buuraha ku yaala magaaladaasi dusheeda.

Koox ka shaqeysa arrimaha xuquuqul insaanka Suuriya ayaa iyana sheegtay in horumarka ay ciidamadaasi gaareen ay sabab u tahay taageero ay ka helayeen weerarro cirka ah oo Ruushku qaaday.

Kooxda Khilaafada Islaamka ayaa burburisay inta badan taallooyinkii qaddiimiga ahaa ee bariga dhexe kaddib markii ay qabsadeen Tadamir ku dhawaad sannad ka hor.

Dib u qabsashada magaaladaasi ayaa waxa ay furaysaa waddada aada gobalka bariga ku yaal ee Deir al-Zor, taasi oo ay gacanta ku hayaan kooxda Khilaafada Islaamka.