Sarkaal sare oo lagu dilay Khandahar

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ciidamada Afghanistan ee Khandahar waxa ay weli la dagaalamayaan Taliban

Ciidamada dalka Afghanistan waxa ay sheegayaan in xagjiriinta Taliban ay dileen sarkaal sare oo ciidamada kamid ahaa.

Sarkaalkaasi ayaa lagu dilay magaalada Khandahar ee Afghanistan.

Khan Agha, oo ahaa gaashaanle-sare waxa uu la socday cunugiisa markii la tooganayay.

Waxa uu ka soo noqday masaajid, xilligii ay weerarayeen dabley hubeysan.

Sarlkaalka iyo cunugiisa way dhaawacmeen, laakiin markii dambe waxaa dhintay sarlkaalka.

Toogashada waxaa ka dambeeyay ilaaladiisa sida la sheegayo.

Ururka Taliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Kandahar muddo waxay ahayd meel ay ku xoog badan tahay Taliban.