W/Kuuriya oo TV horkeentay maxbuus Amerikan ah

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Otto Warmbier waxa uu kamid yahay ajaaniibta ku xiran North Korea

Nin u dhashay Mareykanka oo ku xiran dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa uu qirtay inuu sir militari uu xaday.

Ninkan ayaa la horgeeyay TV, si uu u sheego qaladka uu sameeyay.

Kim Dong-chul, waa Amerikan asakiisu ka soo jeedo Kuuriya.

Waxaa la xiray, Kim, bishii October ee sanadkii tagay, asigoo ku sugan caasimadda dalkaasi.

Shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalada Pyongyang, waxa uu Kim Dong-chul uu codsaday in loo cafiyo dembiga uu geystay.

Sidoo kale raali gelin ayuu ka bixiyay arrintaasi oo uu sheegay inuu u qabanayay dowladda Kuuriyada Koofureed.

Kim waxa uu kamid yahay seddax qof oo dalalka reer Galbeedka ka soo jeeda oo waqooyiga Kuuriya ku xiran.

Dalkaasi aalaaba waxa uu ajaaniibta horkeenaa TV-yada si ay dembigooda u qirtaan.