Riak Machar oo dalkiisa dib ugu soo laabanaya

Lahaanshaha sawirka Getty

Hogaamiyaha Mucaaradka South Sudan ayaa BBC-da u sheegay inuu dhowaan tagayo Jubba

Riak Machar ayaa mudaba dibad-joog ahaa waxuuna sheegay inuu rajo fiican ka qabo nabada South Sudan

Ciidamo uu leeyahay hogaamiyaha mucaaradka ayaa sidoo kale gaaraya caasimadda Jubba

Heshiiskii dhowaanta la gaaray ayaa dhigaya in ciidamada la isku daro

Sidoo kalena waxaa la filayaa in dowlad wadaag ah ay wada dhistaan labada dhinac

Dalka South Sudan waxaa mudaba ka taagnaa colaad ay dad badan ku dhinteen, kumanaan kalen ay ku barakaceen