Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi madaxweynaha Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen dagaal ay todobaadkii ugu danbeeyay kula jireen kooxda Alshabaab oo ka soo firxaday deegaanada Puntland.

Maamulku waxa uu sheegay in ay dileen tiro ka badan boqol qof, tiro intaa kabadana ay maxbuus ahaan u hayaan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka deegaanka Af-barwaaqo ee gobolka Mudug kula hadlay Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay halka uu ku danbeeyay dagaalkii ay kula jireen xoogagii dhawaan lagu jabiyay Puntland.