Mexico oo xirtay kalkaaliyihii Guzman

Juan Manuel Alvares Inzunza oo lagu naanayso “King Midas” waxa la xiray isaga oo fasax ku joogaa gobolka kuunfureed ee Oaxaca.

Guzman, waa hogaamiyihii hore ee Maafiyada Sinaloa, waxa la filayaa in dhawaan loo dhiibo Maraykanka.

Waxa la qabtay bishii January, kaddib markii uu ka baxsaday jeel aad loo ilaaliyo.

Inzunza waxa looga shakisanyahay inuu u lacag dhan 300 ilaa 400 milayn oo doolar si sharci darro u ah ugu kala wareejiyay muddo sanad gudaheed ah maafiyada Sinaloa.

Wuxuu galiyay lacagahaa shirkado badan iyo meelo xafiisyo sarrif.

Maxkamad Federaali ah ooo ku taal Washington ayaa codsatay Inzunza in la xidho oo loo dhiibo Maraykanka.

Gumzman qudhiisa waxa la filayaa in loo dhiibo Maraykanka oo u haysta eedo ah inuu daroogo koontarabaan ku geliyay gobolka California iyo dil ka dhacay Texas.

Bishan horraanteedii ayuu dalbaday in qorshaha dhiibiddiisa ah la dardar galiyo si uu u helo xabsi ka nolol fiican kan uu haatan ku jiro.