Xaaladda Abaaraha ku dhuftay Somaliland

Lahaanshaha sawirka Getty

Deegaano badan oo Somaliland ah waxaa ka taagan abaaro aafeeyey deeganao badan. xoolaha ayaa dhamaanaya dadkuna wey liitaan.

Gobolka Awday ayaa ka mid ah gobolada lagu dhamaanayo ee aadka u daran.

Dowladda Somaliland ayaa mucaawino aan badnayn gaarsiisay dadka ay abaaraha Saameeyeen.

Dadka rafaadsan waxay u badan yihiin xoolo dhaqato soo hayaamay oo biyo la'aanta iyo cunna yarida ay saameysay.

Deegaanada Xadka Itoobiya ayay dadkan ka barakacayaan, waxayna u qaxayaan magaalooyiinka iyo meelaha biyaha ka agdhow.

Sidoo kale waxaa jiray dad gabi ahaanba ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen.

Somaliland waxay gudi u saartay waxkaqabadka abaarahan deegaanadaasi ku dhuftay.

madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan saylici ayaa gaaray deegaanada abaarahan ay ka taagan yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka waxa uu ku baaqay in dadka deegaanadaasi deggan gargaar degdeg ah lala gaaro.