Nin loo maxkamadeeyay dil ka dhacay Glasgow

Lahaanshaha sawirka

Nin ayaa maxkamad la soo istaajiyay waxaana loo haystaa dacwad la xiriirta in uu nin dukaan iibinaya ku dilay qaybta Koonfureed ee Glasgow.

Tanveer Ahmed, oo 32 jir ah ka yimid Bradford, Yorkshire, ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Asad Shah, oo 40 jir ah oo ku sugnaa dukaankiisa hortiisa khamiistii.

Booliiska ayaa arrintan ku tilmaamay weerar ku salaysan kala aragti duwanaan diimeed.

Maxkamad ku taala Glasgow, ayaa sheegtay in Axmed uusan qiranin dilka loo haysto, laguna sii hayn doono xabsiga.