Dowladda Pakistan oo goodisay

Lahaanshaha sawirka AP

Ra'iisul wasaaraha Pakistan Nawas Shariif ayaa sheegay in dowladiisa ay aarsan doonto

Nawas Shariif oo qudbad ka jeediyey telefishenka ayaa sheegay in aragaxisad aysan kala qaybin karin dalkiisa

Waxuu tusaale u soo qaaday weeraradii ka dhacay magaalooyinka Paris iyo Brussels

Weerarkii ka dhacay magaaladda Lahore waxaa ku dhintay 70 qof

Waxaa weerarkaasi sheegtay koox ka go'day Taliban oo lagu magacaabo Jamaacatul Axraar

Dadka lagu laayay weerarkaasi ayaa waxay u badnaayeen kirishtaan xusayay ciida Easter Holiday