Soomaali lagu maxkamadaynayo Paris

Lahaanshaha sawirka crown

Toddoba nin oo Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay burcad-badeednimo ayaa maxkamad la soo taagay magaalada Paris, iyagoo ku eedeysan inay afduubeen markab Faransiisku leeyahay, ayna dileen milkiilihiisii oo Faransiiska u dhashay, xaaskiisiina ay afduubeen.

Waxaa haweeneyda soo badbaadiyay ciidan Spanish ah kaddib markii lagu wareejiyay doon ay burcad-badeeddu wadatay.

Raggan la tuhunsan yahay waxay muteysan karaan xabsi daa'in haddii dembigaas lagu caddeeyo.

Shilkaasi waxaa uu dhacay sanadkii 2011 markaas oo burcad-badeedda Soomaalidu ay meesha ugu sarreysa maraysay. Aad ayay hoos ugu dhacday taasoo ay ugu wacan tahay ilaalada maraakiibta caalamiga ah iyo joogitaanka waardiyeyaal gaar ah oo saaran maraakiibta.