Oxfam: hala kordhiyo dib u dejinta Suuriyaanka

Lahaanshaha sawirka EPA

Dawladda UK iyo dalalka kale ee qaniga ah waa in ay sare u qaadaan tirada qaxootiga Suuriyaanka ah ee ay qaataan, sidaasi waxaa ku baaqday Oxfam.

Hay’addan gargaarku waxay doonaysaa in sanadkan dhamaadkiisa dib u dajin loo sameeyo 10%, dadka Suuriyaanka ah ee ka qaxay dagaalada sokeeye oo tiradooda ay gaarayso 4.8 milyan oo ruux.

Kahor shirka Geneva, ee Qaramada Midoobay, ee looga hadlayo xaaladdan qaxootiga hay’addu waxay sheegtay in ilaa iyo hadda 1.4% oo kali ah laga caawiyay dadka qaxootiga ah.

Hay’addu waxay sheegtay in qorshaha UK ay ku doonayso in ay dalkeeda dib u dajin uga samayso 20,000 oo suuriyaan ah tan iyo sanadka 2020, in ay aysan ku filnayn xaaladda qaxootiga ee caalamka ka taagan.

Yabooha UK ee ku aadan dhibaatadda suuriya oo gaaraysa in kabadan 2.3 bilyan oo doolar ayaa ka dhigaysa deeqbixiyaha labaad, waxaana ka horeeya dalka Maraykanka oo kali ah.