FBI oo dacweynaysa shirikada Apple

Lahaanshaha sawirka Apple

Sirdoonka Maraykanka ee FBI ayaa dacweynaya shirikada Apple ee dalka Maraykanka oo diiday inay la shaqayso sirdoonka FBI

FBI waxay ku andacoonaysaa inay shirikadan diiday inay furto telefoon la qabtay dhowaan

Telefoonka waxaa lahaa Syed Rizwan Farook oo dad ku dilay Maraykanka

Telefoonka ayaa noocisu yahay Iphone waxaana samaysaa shirikada Apple

FBI waxay rabtaa in telefoonka loo furo si ay u hesho macluumaadka ku jira

Ninka iska leh telefoonka ayaa ka dambeeyey weerar dad lagu laayay oo dhacay bishii December

Shirikada waxay ku andacoonaysaa inaysan xaq u lahayn inay furto telefoonada macaamiishooda