Boko Xaram oo weerar ka gaystay Niger

Lahaanshaha sawirka AFP

Wasaaradda Arimaha Gudaha Niger ayaa sheegtay in lix askari lagu dilay saddex kalena lagu dhaawacay weerar la tuhunsan yahay in ay soo qaadeen kooxda Islaamiyiinta mitidka ah ee Boko Xaram.

Warbixin wasaaraddu soo saartay oo laga akhriyay idaacadda dowladda, ayaa sheegtay in askarta jid-gooyo loo galay iyaga oo roondo ku maraya meel u dhow Diffa oo ku taal dhinaca koonfur bari ee dalka.

Diffa waxay qiyaastii labaatan kiiloomitir u jirtaa xadka Nigeria.

Gobolka Diffa ee koonfurta Niger waxa in muddo ah weerarro ku hayay dagaalyahannada Boko Xaram.