Weerar ka dhacay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka

Magaalada Muqdisho degmada Hodan ayaa lagu weeraray baabuur ay wateen Soomaali iyo dad ajnabi ah.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay afar Soomaali ah iyo laba Turkiga u dhashay, sida uu sheegay Cabdifitaax Cumar Xalane oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa weerarka ku dhaawacmay shan qof oo Turkish ah iyo qof reer Kenya ah.

Dadka dhintay waxay ahaayeen macalimiin iyo arday isbitaal ku yaal degmada Hodan.