Tanzania: Madaxweynaha oo dhimaya mishaarka shaqaalaha

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxweynaha Tanzania John Magufuli.

Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli, ayaa balanqaaday inuu dhimo mishaarka madaxda u shaqaysa dowladda.

Wuxuu u sheegay taageerayaashiisa inaan la aqbaleen in masuuuliyiinta qaar ay qaataan siddeed iyo toban kun oo dollar bishii, halka dadka ugu lacagta yar ee dowladda u shaqeeya ay qaataan boqol iyo afartan dollar.

Wuxuu sheegay in mishaarka uu dhimi doono oo aanu dhaafi doonin toddobo kun oo dollar bishii.

Mr Megufuli ayaa balanqaaday inuu dhimo lacagta dowladda ee la qasaarinayo intuu xukunka hayo.