Madaxweynihii hore ee Brazil oo la maxkmadaynayo

Lahaanshaha sawirka AP

Maxkamadda sare ee Brazil ayaa go'aamisay in ay dhagaysato dacwad musuqmaasuq oo siyaasad ahaan xasaasi ah loona haysto madaxweynihii hore,

Maxkamadu waxay kala wareegaysaa dacwada xaakin heer federaal ah, waxayna baaraysaa eedaymo musuqmaasuqa ah.

Lula, oo bishan loo magacaabay inuu xil muhiim ah ka qabto dowladda madaxweyne Dilma Rousseff, waxa loo haystaa musuqmaasuq lacageed oo qayb ka ah baaritaanno uu bilaabay xaakinka heer federaal, Sergio Moro.

Madaxweyne Rousseff lafteeda ayaa lala damacsanyahay in xilka lagaga xayuubiyo daldaloolo ka muuqda miisaaniyadda laakiin iyadu way dafirtay inay wax is dabab marisay.

Laba qof ayaa iska casilay xukuumadeeda waxayna kala yihiin wasiirka ciyaaraha iyo madaxa nabad galyada ciyaaraha Olympic-ga ee Brazil marti galin doonto.