Qarax ka dhacay Galkacyo

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay markii qof uu isku qarxiyay hotel ku yaala magaalada Galkacyo, sida uu BBC u sheegay Duqa magaalada Galkacyo Cabdicasiis Jamac Guuleed.

Ugu yaraan siddeed kalena waa ay ku dhaawacantay. Dadka dhintay waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan wasaarada maaliyada ee Puntland.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbaysay weerarka.