Samaynta daawooyinka oo la fududaynayo

Lahaanshaha sawirka AFP

Sharikadda daawooyinka ee Glaxo Smith Kleine ayaa sheegtey in ay u fududeydin doonto dalalka saboolka ah inay sameysan karaan nuqul dawooyinka sharikadda.

Waxa ay sheegeen in dalalka ugu saboolsan, dakhligooduna uu aad u hooseeyo, gaar ahaan wadammada qaaradda Afrika ay daawooyinkaas sameysan karaan.

Sharikadaha daawooyinka sameeya waxa muddo lagu eedeynayey in dalalka saboolka ihi aanay awoodi karin daawooyinka sharikadahaas.

Glaxo Smith Kleine waxay sheegtay, in isbeddellada ay sameynayso ay dadka aan hadda awoodda u lahayn ka caawin doonaan inay helitaanka daawooyin nafta lagu badbaadiyo.

Waddammada adduunka ugu faqrisan waxay tallaabadani u oggolaanaysaa inay daawooyin qiimahoodu jaban yahay samaystaan.

Sharikadaha daawooyinka waxaa mar walba ay dhaleeceyn jiray inaysan sameyn daawooyin la iibsan karo waddammada soo koraya. Sannadihii dambe waxoogaa horumar ah ayaa la sameynayay.

Waddammo badan oo Afrikaan ah qiimaha daawada cudurka HIV/AIDS aad ayay hoos ugu dhacday. Laakiin waxaa aad sare ugu kacay qiimaha daawooyinka cudurka cancer-ka lagula tacaalo ee qaaradda oo dhan iyo waddammo kale oo sabool ah.

GSK waxay sheegtay in isbeddelladu ay jiilka dambe ee cudurka cancer-ka u sahli doonto inay helaan daawooyin ay iibsan karaan.