Zaha Hadid oo geeriyootay

Lahaanshaha sawirka RIBA l PA
Image caption Zaha Hadid iyo dhismayaashii ay naqshadaysay.

Zaha Hadid oo ahayd injineerka dhismaha ayaa dhimatay iyadoo jirta lixdan iyo shan. Waxaa loo arkayay inay ugu horaysay dumarka injineerada dhismaha ee waqtigeeda.

Waxaa ku dhacday bronchitis( oof wareen) toddobaadkan, kadibna wadanaha ayaa istaagay iyadoo lagu daawaynayo isbitaal ku yaala Miami ee Maraykanka.

Zaha Hadid oo British ah laakiin u dhalatay Ciraaq, ayaa waxay naqshadaysay dhismayaal caan ah adduunka oo ay ka mid yihiin Guangzhou Opera House oo ku taala Shiinaha iyo London Aquatics Centre oo loo sameeyay ciyaarihii Olymiga ee 2012.

Zaha Hadid ayaa noqotay haweenaydii ugu horaysay oo injineerka guryaha ah, oo ku guulaysata bilada dahabka ee ay bixiyaan Royal British Architect.