Taageerayaasha Rousseff oo dhigay dibadbaxyo

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Taageerayaasha Rousseff ayaa doonaya in ay muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin madaxweynahooda.

Tobanaan kun oo qof oo ah taageerayaasha madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff ayaa ka qayb qaatay dibadbax ka dhan ah olole lagu maxkamadeynayo madaxweyne Rousseff.

Dibadbaxyadani ayaa qayb ka ah tallaabooyin dhowr ah oo madaxweyne Rousseff ay isaga difaaceyso eedeymo la xiriira musuqmasuq.

Rousseff ayaa waxaa hoos u dhacay shacbiyaddeeda sababo la xiriira xaaladda dhaqaale ee dalkaasi iyo fadeexad musuq oo muddo dheer soo jiitameysay, waxa ayna beenisay eedeymo la xiriira wax isdaba marin miisaaniyadda dalkaasi.

Madaxweynihii iyada ka horreeyay Lula da Silva oo ay aad isugu dhow yihiin ayaa sidoo kale waxaa ku socda baaritaan la xiriira lacago si sharci darro ah loo kala gudbiyay.

Balse eedeymahaasi waa uu beeniyay waxa uuna ku eedeeyay qaaliga hormuudka ka ah baaritaankiisa in uu isaga si caddaalad darro ah u bartilmaameedsanayo.

Maxkamadda ugu sareysa dalkaasi ayaa khamiistii arrintaasi soo faragelisay waxa ayna baaritaankaasi ka wareejisay gacanta qaaligaasi, iyada oo sheegtay in dacwadda ay la wareegeyso.

Lula oo bishan loo magacaabay in uu xil muhiim ah ka qabto dowladda madaxweyne Dilma Rousseff, ayaa waxa loo haystaa musuqmaasuq lacageed oo qayb ka ah baaritaanno uu billaabay qaaligaasi heer federaal, Sergio Moro.

Madaxweyne Rousseff lafteeda ayaa lala damacsanyahay in xilka lagaga xayuubiyo daldaloolo ka muuqda miisaaniyadda laakiin iyadu way dafirtay in ay wax is daba marisay.

Laba qof ayaa iska casilay xukuumadeeda waxayna kala yihiin wasiirka ciyaaraha iyo madaxa nabad galyada ciyaaraha Olympic-ga ee Brazil marti galin doonto.