Cudurka Ebola oo mar kale lagu arkay dalka Liberia

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ebola ayaa dad badan ku laayay dalalka galbeedka Afrika.

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Liberia ayaa sheegaya in qof dumar ah ay u dhimatay cudurka Ebola, bil kaddib markii cudurkaasi la sheegay in uu ka dhammaaday dalkaasi.

Haweeneydaasi oo 30 jir ahayd ayaa ku dhimatay isbitaal ku yaala deegaan ka tirsan magaala madaxda dalkaasi ee Monrovia, oo ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee Qaramada Midoobey ayaa xaqiijiyay in haweeneydaasi ay u dhimatay cudurka Ebola, haatanna baaritaan uu socdo.

Bishii janaayo ayay ahayd markii dalkaasi lagu dhawaaqay in cudurka Ebola uu ka dhamaaday balse waxaa jiray dad uu cudurkaasi ku soo ritay gobolka.

Dalka deriska ah ee Guinea ayaa usbuucyadii la soo dhaafay lagu arkay dhowr qof oo la xanuunsan cudurkaasi.

In kabadan 11,300 oo qof ayaa u dhintay cudurka Ebola labadii sano ee la soo dhaafay, waxaana dhammaantood dadkaasi ay ku kala dhinteen waddamada Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.