UNHCR oo baaq u jeedisay Turkiga iyo Giriigga

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption UNHCR waxa ay dooneysaa in xaaladda noolaleed ee qaxootiga wax laga baddalo.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa ugu baaqday waddamada Giriigga iyo Turkiga in ay wax ka badalaan xaaladda dadka qaxootiga ah ee dalalkooda ku kala nool, ka hor inta heshiiskii dhex maray Yurub iyo Turkiga uusan dhaqan gelin usbuuca dambe.

UNHCR waxa ay sheegtay in xaalad adag ay haysata dadka qaxootiga ah ku nool labadaasi waddan.

Waxa ay intaasi ku dartay in qaxootiga ku nool Jasiiradda Lebsos ee dalka Giriigga ay banaanka seexdaan iyaga oo aan hasyan cunno ku filan.

Hay’addani ayaa sidoo kale sheegtay gacan ka hadal dhex maray qaxootiga ku nool xeryaha ku yaala Giriigga.

Warbaahinta Giriigga ayaa horey u sheegtay in dhowr qof la dhigay isbitaal kaddib markii qaxootiga Suuriyaanka ah iyo ka yimid dalka Afqaanistaan ay ku dagaalameen Jasiiradda Chios.

Dhanka kale, UNHCR waxa ay sheegtay in 80% ay korartay tirada muhaajiriinta Talyaaniga uga tallaabaya dhanka Woqoyiga Afrika, iyaga oo ka gudbaya badda Mediterranean-ka.

Sida ay sheegtay hay’addani, ku dhawaad 19,000 oo qof oo muhaajiriin ah ayaa sanadkan oo kaliya gaaray dalka Talyaaniga marka loo eego sanadkii hore xilligan oo kale oo tiradaasi ay wax yar uun ka badnayd 10,000 oo qof.

Ku dhawaad dhamaan dadkaasi qaxootiga ah ayaa ka kala yimid waddama ku yaala galbeedka Afrika.

Ku dhawaad 150,00 oo qof oo ah muhaajiriin inta badan ka kala yimid waddamada Suuriya, Ciraaq iyo Afqaanistaan ayaa sanadkan oo kaliya gaaray Yurub, kuwaasi oo sii maray dalka Giriiga.