Hal sano ayaa laga joogaa weerarkii Gaarisa

Image caption Taalo ayaa laga dhisay gudaha jaamacadda

Maanta hal sano ayaa laga joogaa markuu dhacay weerarkii jaamacadda Garissa oo lagu dilay 149 qof oo badankooda ay ahaayeen ardey.

Waxa uu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa oo kooxda Al-shabaab ay ka fuliyeen gudahah Kenya.

Si loo xuso maanta waxaa la qabanayaa maamuus lagu xasuusanayo ardeydii halkaasi lagu dilay.

Waxaa lagu wadaa in xariga laga jaro taalo ay ku qoranyihiin magacayda ardadii lagu dilay jamaacadaasi.

Tartan Orod iyo kulamo kale ayaa goobta ka dhacaya, waxaana la filayaa inay isugu tagaan siyaasiyiin iyo dadkaloo kala duwan.