Dad u dhashay dalka Maleeshiya oo la qafaashay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption goobta dadkani laga qafaashay ayaa caan ku ah koox islaami ah oo halkaasi ka hawlgasho.

Afar qof oo u dhashay dalka Maleeshiya ayaa laga qafaashay biyaha u dhaxeeya Maleeshiya iyo Filibiin, halkaasi oo caan ku ah hawlgalada kooxo islaamiyiin ah.

Dadkani ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaasi ka qafaasheen rag dabley ah.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa koox islaami ah oo ka dhisan dalka Filibiin oo lagu magacaabo Abuu Sayaaf waxa ay isla deegaankaasi ka qafaasheen toban qof oo reer Induniisiya ah oo ka shaqeeya doon lagu jiido doomaha ay cilladda ku qabsatay badda dhexdeeda.

Kooxdaasi ayaa dalbatay lacago madaxfurasho ah si ay u sii daayaan dadka u qafaalan.

Booliska ayaa baaraya in afduubkaasi uu ka dhacay gudaha biyaha badda Induniisiya iyo in kale.