Xabaal wadareed laga helay Palmyra

Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Palmyra ayaa horey waxaa burbur ka gaystay kooxda khilaafada islaamka.

Milateriga Suuriya ayaa sheegaya in magaalada Palmyra ay ka heleen xabaal wadareed ay ku aasnaayeen ku dhawaad 40 mayd.

Magaaladaasi ayaa toddobaadkan dib looga qabsaday dagaalyahanada Kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Haraaga maydka haween iyo carruur ayaa ka mid ahaa maydadka meesha laga helay, iyadoo maydadka qaar madaxa laga jarayba.

Palmyra ayaa muddo sanad ku dhaw waxaa gacanta ku haysay kooxda I-S, xilligaasi oo maleeshiyaadku ay dad badan halkaasi ku dileen.

Dilalkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa mid mar qura loo gaystay 25 rag ah oo lagu dilay tiyaatar uu Roomaanku dhisay oo ku yaal magaaladaasi, halkaasi oo caan ku ah dhismooyinka qadiimiga ah.

Maydadkaa la helay waxa kaloo ka mid ahaa askarta la laayay eheladoodii oo rayid ahaa oo saddex caruur ahi ku jireen.

Waxa ka muuqday maydadkaa in lagu dilay toogasho iyo seef qoorta lagaga jaray.

Sanad ka hore markii Daacish qabsatay Palmyra waxa soo baxay in warar sheegayay in ay dad badan laayeen.

Dilalkaa ay gaysteen waxa ka mid ahaa in shan iyo labaatan rag ah goob qudha looga jaray.

Ragaa waxa si fool xun loogu khaarajiyay meel masrax qadiimi ah aasaartii ka hadhay Romans-kii hore oo ku yaal magaalada qaybteeda qadiimka ah.