Garoonka Zaventem oo dib loo furayo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Garoonka ayaa hawsha dib u bilaabaya, inkasta oo aysan si dhamaystiran ahayn

Garoonka Brussels ayaa la qorshaynayaa in qayb ahaan dib loo furo maanta oo Axad ah.

Masuuliyiinta garoonku waxay sheegeen in saddex diyaaradood ay ka kici doonaan garoonka ooy aadi doonaan saddex goobood oo qaaradda Yurub ku yaala.

Garoonka Zeventem diyaaraddo rakaab ah kama soo dagin tan iyo markii la weeraray qaybta laga dadka dhoofaya ee garoonka, weerarkaas waxaa sheegtay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Weerarada lagu qaaday garoonka diyaaradda iyo goobta tareenka dhulka hoostiisa mara laga raaco ayaa sababtay geerida 32 ruux.

Arrin kale oo soo korortay ayaa ah in dawladda Belgium ay maxkamad saartay qofkii saddexaad ee laga shakisanyahay oo magaciisa lagu sheegay Y A, oo kali ah, waxaana loo haystaa in uu ku luglahaanshaha weerar argagixiso oo la qorshaynayay in lagu qaado Faransiiska.

Arrintani waxay imanaysaa iyadoo 24-kii bishii saddexaad Paris lagu xiray nin Faransiis ah oo la yiraahdo Reda Kriket.