Itoobiya oo adeegsan doonto dekadda Berbera

Image caption Dekadda Berbera waxaa laga dhoofiyaa xoolaha soomaalida

Saraakiil Itoobiyaan ah iyo kuwo ka socday maamulka Somaliland ayaa sheegay inay saxeexeen heshiis ay Itoobiya ku adeegsan doonto dekadda Berbera, arrintan ayaa la sheegay inay dhaqaalaha gobolka kor u qaadi doonto.

Ethiopia oo ah dal aan bad lahayn oo dadkeedana lagu qiyaasay sagaashan milyan, ayaa haatan ku tiirsan dekadda Djibouti oo keli ah.

Maareeyaha dekadda Berbera ee Somaliland ayaa sheegay in heshiiskan la saxeexay dhawr casho ka hor loo dhaqan galin doono sida ugu dhakhsaha badan.

Itoobiya iyo Somaliland waxa dhowr sanadood u socday wada hadal Itoobiya ku doonayso inay isticmaasho dekadda oo qiyaastii laba boqol oo kiiloo mitir u jirta xadkeeda.