Tahriibayaal lagu celinayo Turkiga

Doonyo wada tahriibayaal laga soo celiyay Gariiga ayaa yimid Turkiga, dadkii ugu horeeyay ee lagu soo qaado doonyo kadib heshiis Midowga Yurub ay la gashay Turkiga si loo yareeyo dhibaatada dadka qaxootiga.

Laba doonyo ayaa ku soo xirtay dekada Dikili iyagoo wada in ka badan boqol iyo soddon tahriibayaal oo intooda badan ka imaaday Pakistan.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay dadka Suuriyiinta ee laga soo celiyoGariiga in la gayn dooono xerooyinka qaxootiga ee koonfurta Turkiga.

Dadka aan suuriyiinta ahayna in la gayn doono xarumo dadka laga mussfuriyo si waddankooda loogu celiyo.