Ciraaq: 25 ku dhimatay qaraxyo

Lahaanshaha sawirka

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay dhowr kalena way dhaawacmeen qaraxyo bomb ee ka dhacay Ciraaq sida ay warfaafinta sheegtay.

Ugu yaraan toban qof oo isqarxiyayay ayaa qaaday weerarada, oo lagu soo waramay inay beegsadeen dad ka tirsan ciidamada ammaanka iyo miliishiyiinta Shiicada.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS oo haysata dhul waqooyiga iyo galbeedka ayaa sheegtay inay ka danbaysay weerarada.

Weerarkii ugu waynaa, igu yaraan afar iyo toban qof ayaa lagu dilay markii qof uu isku qarxiyay maqaayad.

Weerarada kale ayaa ka dhacay magaalada koonfurta ee Basra, Baghdad iyo Mashada.

Bilihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda oo ay taageerayaan milishiyiinta Shiicada iyo diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa meelo badan ka qabsaday kooxda IS.