ICC oo joojisay dacwadii Rutto

Lahaanshaha sawirka

Garyaqaanada maxkamada caalamiga ee danbiyada ee ICC ayaa joojiyay dacwadii loo haystay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo wariyaha Joshua Sang.

Waxay sheegeen waa in dacwad kale la soo bilaabo, sababtoo ah faragalin lagu sameeyay marqaatiyaasha iyo faragalin siyaasadeed.

Labada nin ayaa beeniyay eedeeymaha loo haysto, oo ah danbiyo ka soo horjeeda bini'aadanka ee la xiriira dhimashada kun iyo laba boqol oo qof oo lagu dilay dagaal kadib doorashadii 2007-da.

Dacwad oogayaasha ayaa joojiyay eedeymo noocan oo kale ah oo loo haystay madaxweyne Uhuru Kenyatta.