Muqdisho: Weerar lagu qaaday xildhibaan

Lahaanshaha sawirka

Koox hubeysan oo watay gaari ayaa rasaas ku furay baabuur uu la socday xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka oo la yiraahdo Maxamad Cali Diheeye, degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas waxaa ku dhaawacmay xildhibaanka iyadoo labo ilaaladiisa ahna ay isla goobta ku dhinteen. Ragii weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday ka hor inta aanay ciidamada ammaanku soo gaarin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka xildhibaanka lagu dhaawacay.

Dhinaca kale, waxa ay dhaqdhaqaaqyo milatari ka socdaan deegaano ka tirsan halka ay iska galaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, halkaasi oo ciidamada Itoobiya ay ku sii dhawaanayaan degmooyinka ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Iska hor'imaadyo goos goos ah ayaa laga soo werinayaa deegaanadaasi inkastoo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay.