Dood ka dhalatay salaanta dumarka Switzerland

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dood weyn ayaa ka dhalatay salaanta dumarka Switzerland

Xukuumadda Switzerland ayaa dhaleecaysay iskuul u oggolaaday arday Muslimiin ah in aanay salaamin macallimiinta dumarka ah.

Labo arday oo Muslimiin ah oo dhigato iskuulkan, oo ku yaal waqooyiga dalkaasi, ayaa ku dooday in diintooda aanay u oggolayn inay salaamaan macallimiinta dumarka ah.

Wasiirka Caddaaladda ee Switzerland ayaa sheegay in salaanta ay qeyb ka tahay dhaqanka dalkaasi.

Xiriirka Ururka Muslimiinta ayaa sheegay in salaanta ragga iyo dumarka ay caadi ka tahay waddamo badan oo uu uga dhaafay ardayda Muslimiinta ee ragga ah in ay gacan qaadaan macalimiinta haweenka ah.

Labada arday ee diidday inay salaamaan macallimiinta dumarka ah ayaa sidoo kale loo diiday inay salaamaan kuwa ragga ah, iyadoo iskuulku sheegay in aanay kala sooci karin macalimmiintooda.