Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bangiga Chase oo la badbaadinayo

Masuuliyiinta Kenya ayaa amray in Bangiga Chase lala wareego maamulkiisa laba iyo toban bilood kadib markii ay ka soo bixi waayeen masuuliyadii dhaqaale ee saarnayd.

Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Kenya ayaa sheegay in dhamaan lixdan iyo labada laamood ee bangiga ay xiran yihiin si looga hortago in dadka ay lacagahooda kala baxaan. Waa bangigii saddexaad ee dalka Kenya ee lala wareego maamulkiisa bilihii ugu danbeeyay.

Arrintan ayaa loo sameeyay si loo badbaadiyo mustaqbalka bangiga. Markii maamul cusub loo sameeyo ayaa qorshahu yahay in dib loo furo bangiga. Dadka lacagta bangiga dhigtay ayaa loo ogolaan doonaa inay lacag go'an maalintii ay la bixi karaan.

Wariyaha BBC Cabdinoor Adan ayaa la kulmay ganacsade Soomaali ah oo ay bangiga u taalay lacag dhan ilaa 100,000 oo dollar, wuxuu magaciisa ku sheegay Adan.