Jabuuti oo raaligelin ka bixisay cabashadii BBC

Image caption Shacabka Jabuuti ayaa Jimcaha goobaha codeynta u dhaqaaqaya

Dowladda Djibouti ayaa cudur daar bixisay kaddib markii weriyayaal BBC-da ka tirsan dalkaasi lagu xiray lagana soo musaafuriyay.

War ay dowladda Djibouti u soo dirtay BBC-da aya ku tiri, “Mas’uuliyiinta dowladda kama war haynin dhacdada weriyayaasha, taas oo sababtay in laamaha ammaanka ay tallaabo qaadaan."

Waxa ay intaa ku dartay dowladda Jabuuti "Waxaan ka cudur daaranaynaa arrintaasi. Balse waxaa muuqata in weriyayaasha BBC-da aysan sheegin war buuxa oo sugan oo ku saabsan wararka ay doonayeen inay tebiyaan marka ay codsanayeen in la siiyo fasax ay ku soo warramaan.”

Kooxda weriyayaasha BBC-da arrintaasi way ku gacanseyreen, waxayna sheegeen inay si joogta ula xiriirayeen wasaaradda arrimaha dibedda oo ay la waadaageen qorshahooda ah siday u doonayeen inay wararka u tebiyaan.