Fallaagada Suuriya oo qabsatay magaalo muhiim ah

Xooggaga mucaaradka Suuriya ayaa waxa ay dib uga riixeen maleeshiyaadka kooxda Dowladda Islaamiga ah magaalada istiraatiijiga ah ee Al-raaci ee waqooyiga Suuriya, kaddib maalmo uu halkaasi ka soconayay dagaal aad u culus.

Magaalada Al-raaci ee ka tirsan gobolka Xalab, ayaa waxa ay saldhig istiraatiiji ah u aheyd kooxda Daacish, maadaama magaaladaasi ay ku taal bar looga gudbo xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Suuriya.

Fallaagada ka qeyb qaatay dagaalka ayaa waxaa ka mid ah kooxo qunyar socod ah oo ku hoos dagaalamaya magaca Ciidammada Xorta ah ee Suuriya, kuwaasi oo hub loo soo marsiiyo Turkiga.

Dhanka kalana dowladda ayaa sheegaysa in la la'yahay ugu yaraan 200 oo qof kaddib markii ay kooxda Dowladda Islaamiga ah weerrar ku soo qaadday warshad ku taal meel u dhaw magaalada Dimishiq.

Howlwadeenada ayaa lagu soo warramay in laga kaxaystay kuleej ay joogeen oo ku yaal daafaha magaalada Dumayr oo 40 km bariga ka xigta magaalada caasimadda ah.