Kuuriyada waqooyi oo tijaabo hor leh samaysay

Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay tijaabisay matoor loo qaabeeyay in uu gantaalada ridada dheer gaarsiin karo qaarad ka qaarad.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegtay in matoorkani uu ‘’xaqiijinayo’’ in gantaal lagu duqayn karo Maraykanka.

Tijaabadaasi waxaa lagu sameeyay aaga lagu tijaabiyo gantaalada ridada dheer ee ku taala agagaarka xeebta galbeed.

Waa tijaabadii u dambaysay oo ka mid ah tijaabooyin badan oo dawladdaasi go’doonsan ay samaynaysay.

Hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un ayaa kormeeray tijaabadaasi sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Waxaa laga soo xigtay in uu sheegay in ay hadda awoodaan in ay dalkooda ka difaacaan shayaadiinta dhulka.