Haweenka uurka leh durba halaga baaro macaan

Lahaanshaha sawirka bbc

Saynisyahannada ayaa ka digay in aan la daahinin baaritaanka cudurka macaanka ee loo sameeyo haweenka uurka leh.

Cudurkan macaanka ayaa hadii aan hore loo ogaan keeni kara inuu u gubdbo ilmaha taasina ay keeni karto in ilmuhu uurka ku dhex dhinto.

Badanaa haweenka uurka lihi waxay iska baadhaan macaanka marka ay ku jiraan todobaadka 28-aad ee sidkooda, hase yeeshee daraasad ay Jaamacadda Cambridge samaysay ayaa muujisay in mudadaa marka uu uurku gaaro in ilmu uu qaadayo cudurka.

Cudurka macaanka ee ay qaadaan haweenku marka ay xaamilada yihiin ayaa la sheegay inuu ku dhaco 18 ka mid ah 100-kii dumar ahba.

Sonkorta badan ee dhiigga raacaysa ayaa keenta in ilmuhu aad ugu dhex koro hooyada taasina waxay keentaa in ay ku adkaato dhalmada maadaama ilmuhu aad u waynaaday.

Arrintani waxaa kale oo ay ilmaha ku keentaa inuu marka dambe miisaankiisu aad u kordho ama macaan qaado.

Daraasaddu waxay ku nuuxnuuxsatay in ay muhiim tahay in cudurka goor hore la iska baadho si hadii la ogaado loola tacaalo.