Qarax dad ku laayay magaalada Muqdisho

Lahaanshaha sawirka
Image caption qarax hore

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dilay ugu yaraan saddex ruux waxaana ku dhawacmay ugu yaraan shan ruux oo kale.

Qaraxan ayaa ka dhacay makhaayad ku taala magaalada dhexdeeda.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu yahay bambaano.

ilaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

wixii ka soo kordha idaacadaheenna dambe iyo halkan ayaan idin kula wadaagi doonaa