Dhul gariir xoog leh oo ka dhacay Aasiya

Dhul gariir xoog leh oo lagu qiyaasay 6.6 ayaa ku dhuftay koofur galbeed Aasiya, kaasoo kaga gariiriyey dhismeyaal ku yaalla Pakistan, Afghanistan iyo waqooyiga India.

Hay'adda maraykanka u qaabilsan sahanka jiyoolojiyada ayaa sheegtay in halka xuddunta u ah dhul gariirka uu yahay meel u dhow gobolka buuraleyda fog ee ku dhereran xudduudda Afghanistan iyo Pakistan, oo qotadiisuna tahay 210 Kms.

Magaalooyinka Islamabad iyo Kabul ayaa dad naxsan waxay ka carareen guryihii iyo xafiisyadii, ayadoo dhismayaashuna ay ruxmeen. Dhul gariirka ayaa sidoo kale laga dareemay caasimadda India ee Delhi iyo deegaannada u dhow. Tareenka dhulka hoos mara ee Delhi ayaa a muddo kooban la hakiyey.

Ma jiraan wax khasaare ah oo durba la soo weriyey.