Masar: Wasiir lagu xukumay 10 sano

Lahaanshaha sawirka
Image caption Salax ayaa is casilay September sanadkii hore kadib markii uu madaxweynaha uu amray.

Maxkamad dalka Masar ayaa ku xukuntay wasiirkii hore ee beeraha ee Masar Salah Helal iyo kalkaaliyihiisa toban sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq. Waxaa sidoo kale lagu xukumay ganaax.

Labada masuul ee hore ayaa lagu eedeyay inay qaateen lacag si ay dhul si raqiis ah uga iibiyaan ganacsato.

Wasiirkii hore ee beeraha ayaa la xiray markuu is caslay bishii September ee sanadkii hore.

Fadeexada musuqmaasuqa ayaa keentay inay dhacdo dowladii ra'iisalwasaare Ibrahim Mahlf.