Mareykanka oo walaac ka muujiyay Zika

Image caption Viruska Zika ayaa waxaa gudbisa kaneecada.

Saraakiil sare oo Mareykanka u qaabilsan caafimaadka ayaa sheegaya in saameynta cudurka Zika uu ka ballaaran yahay sidii markii hore la moodayay.

Viruskan ayaa waxaa gudbisa kaneecada, waxaana la tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay dhibaato dhanka maskaxda ah oo ku dhacda ilmaha uurka ku jira.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in tallaalka ugu horeeya ee tijaabada ah uu diyaar noqonayo bisha September.

Saraakiisha caafimaadka ee Mareykanka ayaa sheegay in ay waxbadan oo cabsi leh ka barteen cudurka Zika.

Waxa ay sheegeen inuu xiriir weyn la leeyahay dhibaatooyin dhowr ah oo ay la kulmaan haweenka xaamilka ah.

Dr Ann Schuchat oo ka tirsan xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurada ayaa sheegtay in kaneecada gudbisa cudurka Zika ay hadda gaartay 30 gobol oo Mareykanka ah, loona baahan yahay in la isu diyaariyo ka hor inta uusan faafin.

Warka wanaagsan ayaa ah in tallaalka ugu horeeya ee cudurkan la filayo bisha September, waxaana hadda la hayaa 15 daawo oo la arkay in ay wax ka tarayaan viruska.

Maamulka madaxweyne Obama ayaa adeegsanaya lacag kasoo hartay ololihii ka dhanka ahaa cudurka Ebola si loogu adeegsado cilmi baarista Zika.

Balse lacagtaasi ayaa ah qeyb yar oo ka mid ah ku dhawaad 1.9 bilyanka dollar ee laga codsaday Congress-ka Mareykanka si howshaasi loo qabto.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in hadda aan kiisas badan oo Zika ah lagu arkin Mareykanka, balse waxa ay ka digeen in uu ku dhici karo boqolaal kun oo qof oo ku nool jasiiradda Puerto Rico.