Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaarta Itoobiya oo saamaysay malaayiin

Gobolo badan oo Ethiopia ku yaal waxaa ka taagan abaartii ugu xumeyd ee soo marta muddo 50 sanno ah,waxaana xaaladda ka sii daray isbedelka cimilada ee El Nino oo saameeyey dalal badan oo bariga ito koofur africa ku yaal.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan toban million oo qof in ay abaartu saameysay guud ahaan dalka Itoobiya, waxaana laga yaabaa in tiradu intaas ka sii badato oo ay gaarto shan iyo toban million oo qof bartamaha sanadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa codsatay 1.4billion oo doolar laakiin deeq bixiyayaasha ayaa ilaa iyo hadda siiyay kala bar lacagtaas ay codsadeen.

Weriyaha BBC Emmanuel Igunza ayaa booqday deegaannada bariga dalkaasi ku yaal ee abaartu aadka u sameeysay.