IMF oo hoos u dhigtay kororka dhaqaalaha

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Kulanka IMF ee waqtigan ayaa ka socda Washington.

Hayadda lacagta adduunka ee IMF ayaa hoos u dhigtay sadaalinteeda kororka dhaqaalaha adduunka iyadoo sheegtay hoos u dhaca inuu socdo waqti dheer.

IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha adduunka uu u nugul yahay qatarada caalamka, waxayna ku qiyaastay xadiga kororka 3.2% sanadkan.

IMF ayaa sabab uga dhigtay dagaalka Suuriya iyo dhibaatada qaxootiga iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee wadamada dhaqaalahooda soo koraya sida Brazil.

IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha adduunka uu wali ka soo kabanayo hoos u dhacii dhaqaalaha ee ka dhalatay bangiyada ee 2008-dii, laakiin si tartiib ah.