Go'aanada doorashada Soomaaliya 2016

Lahaanshaha sawirka

Shirka madasha hogaanka qaranka oo socday laba maalmood ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Shirka waxaa ka qayb galay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Go'aanada shirka ka soo baxay waxaa ka mid ah habka iyo qaab dhismeedka doorashada:

  • In la dhiso laba gudi doorasho oo kala ah guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer qaran iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer gobol.
  • Guddiyada waxay ka koobnaan doonaan xubno ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada samaysan iyo kuwa la samayn doono.
  • Guddiga doorashada qaranka waxuu ka koobnaan doonaa 17 xubnood.
  • Guddiga doorashada ee heerka gobol wuxuu ka koobnaan doonaa 11 xubnood.
  • In la dhiso Aqalka Sare ka hor intaan la dooran Aqalka Hoose.
  • Liiska oday dhaqameedyada xuli doona Aqalka Hoose ayaa ka kooban 135 qof.
  • Musharaxa u taagan doorashada waxaa dooran doona 50 cod bixiye. Guud ahaan ergada dooranaysa 275 musharax waxay noqonayaan 13,750.
  • Codbixinta xubnaha Aqalka Hoose waxay ka dhici doontaa Muqdisho, xarumaha dowlad goboleedyada hadda jira ama hadda la dhisayo.
  • 30% boqolkiiba kuraasta Aqalka Sare oo matalaya dowlad goboleedyada waxaa loo qoondeeyay haween.
  • Waxaa la samaynayaa guddiga xallinta khilaafyada doorashooyinka 2016.